Borama News Network

“Itoobiya oo kusoo xadgudubtay Qarannimadeenna & Midnimadeenna waxa ay ka hartay howlgalka AUSSOM” Wasiirka Gaashaan Dhiga Somaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in Itoobiya laga reebay howlgalka cusub ee AUSSOM ee billaabanaya billowga sanadka soo socda 2025.

Ka harista Itoobiya ee howlgalkaan ayuu Wasiir Cabdulqaadir ku tilmaamay in ay ka dhalatay kaddib markii ay ku xadgudubtay qarannimadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka maadaama ay shaacisay heshiis ay la gaartay Maamulka Somaliland ee Gobollada Waqooyi JFS.Wasiir Jaamac waxa uu sheegay in ay jiraan Dalal cusub oo soo dalbaday kamid noqoshada howlgalka AUSSOM balse dhawaan la shaacin doonno marka lasoo gabagabeeyo buuxinta shuruudaha sida uu hadalka u dhigay.

“Itoobiya oo kusoo xadgudubtay Qarannimadeenna & Midnimadeenna waxa ay ka hartay howlgalka AUSSOM, howlgalkaan cusub waxa uu noqon doonnaa nambar aad u yar, goobaha ay joogi doonnaan waxa ay noqon doonnaan kuwo aad u yar, waxa ay ciidanka qaranka ka caawinayaan arrimaha farsamada” Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudbisay qaraar ka dhan ah Itoobiya si looga reebok amid noqoshada howlgalka cusub ee AUSSOM, Xukuumadda Addis Ababa waxaa Dalka ka jooga ciidamo qaarkoodood fasax ka heysta ATMIS iyo kuwo kale oo aan la ogeyn ujeedka joogitaankooda Dalka.

Related posts

Xaalada Xabsiyada Kala Duwan Ee Somaliland Oo Aad Looga Dayrinayo

Madaxweynaha Ukraine oo NATO ka codsaday in laga garabsiiyo dagaalka ka dhanka ah Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

“Shaqaalihii Kaydka Haamaha shidaalka ayaa la dulmiyey oo dusha lagaga keenay Yugaandhiis ..Xoghaye Maxamed Sidiiq Dhamme,

Abdiaziz Bnnstaff