Borama News Network

Itoobiya Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku Dhigtay Shidaal Ka Yimid Soomaaliya

Ciidamada Difaaca dalka Itoobiya ayaa qoraal ay soo dhigeen boggeeda Facebook waxay ku sheegeen in ay qabteen 30 fuusto oo shidaal ah oo laga keenay Soomaaliya.

Waxay sheegeen in ay ku qabteen shidaalkaan aagga gobolka Afdheer ee Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxayna sheegeen in shidaalka laga keenay dhinaca Jubbaland, Soomaaliya.

Sida ay sheegeen ciidanku gaari siday shidaalka ayaa 49 kiilo mitir u jiray halka uu doonayay in uu geeyo shidaalka, “Balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo hawlgal ku jiray”.

Taliye xigeenka ciidanka hawlgalkaan ku jiray ayaa sheegay “in shidaalkaan uu sabab u noqon karo sicir bararka ka jira gudaha Itoobiya”.

Related posts

“Waa isir beegsi Kenya , Ethopia iyo Somaliya waa mid xidhiidhsan dagaalka inagu socda “ Xog . Huuno

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiir Maareeye “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxman Cirro”

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Ula Garnaqsaday Soomaliya kana Waramay Heshiiskii Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff