Borama News Network

Itoobiya oo xujo ku noqotay shuruud ay hordhigtay Soomaaliya si loo wada hadlo

Wararka ka imaanaya Dalka Turkiga ayaa sheegaya in uu istaagay qorshaha wadahadalka Soomaaliya iyo Itoobiya oo garwadeyn ay ka tahay Xukuumadda Ankara kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shuruud ka dhigtay in marka hore Addis Ababa ay burburiso heshiiskii xadgudubka ahaa ay la gashay Maamulka Somaliland.

Diblumaasiyiin ku dhow wadahadalka ayaa Mustaqbal u sheegay in wafdiga ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hordhigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga in wada-xaajoodku uu billaaban karo marka ay Itoobiya ka laabato heshiiskii beenaadkii ay la gashay Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland (Gobollada Waqooyi).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa dhanka Itoobiya hordhigay in ay keento xalka looga gudbi karo shuruudda haddii la fuliyo lagu billaabi karo wadahadalka maadaama is afgaradkaas uu yahay mid ka dhan ah Midnimada, Wadajirka iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ma jiro wadahadal toos ah oo ilaa haatan ay isku arkeen labada Wasiir Arrimo dibadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo wakiilo buuxa ka kala ah Xukuumada Muqdisho & Addis Ababa, Itoobiya waxaa xujo ku noqotay shuruudda ka timid dhanka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa ka gaabsatay in ay xog ka bixiso dedaalka wadahadalka iyo shuruudaha laga gudbi waayay, waxaana loo badinayaa in gunaanadka marka arrintaan dhinac u dhacdo ay ka hadli doonto sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin ku dhow.

Related posts

Tiawan Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Caawinayso Hurumarinta Tamarta Iyo Macdanta

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Ula Garnaqsaday Soomaliya kana Waramay Heshiiskii Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Faan joogto ah ayaa Muuse laga fadhiyi kari waayay Ilaa Qaaxo, Muftaaxii dagaalkaan haya” Xildhubaan Khadar Guun

Abdiaziz Bnnstaff