Borama News Network

Jarmalka Oo Maanta Loo Maxkamadaynayo In Uu Israaiil Ku Taageeray Xasuuqa Ay Ka Gaysatay Falastiin

Dacwad ka dhan ah Dowladda Jarmalka ayaa maanta ka furmaysa Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga isla markaana hoostagta Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo ICJ taas oo ku saabsan xasuuqa Israaiil ay u gaysatay Falastiin iyo taageerrada ay siiso Berlin dhiggeeda Tel Aviv.

Dacwaddaan waxaa gudbiyay Dalka Nicaragua ee dhaca Bartamaha Ameerika, waxa uu Jarmalka ku haystaa in uu kamid yahay Dalalka Israaiil siinaya taageerrada ugu badan ee ku dhiirragelinaya in ay sii wado xasuuqa ka dhanka ah aadanaha ee ay ka gaysteen Dhulka Falastiin.

Jarmalka waxa uu musiibadaan faraha la galay kaddib markii uu joojiyay kaalmadii dhaqaale ee la siinayay Hay’adda Qaramada Midoobay u xilsaaran kaalmada Falastiin ee UNRWA oo horay Yuhuuddu ugu eedaysay in ay fududaysay weerarkii marmarsiyada ay u waysay Israaiil ee dhacay 7dii Oktoobar 2023.

Magaalada The Hague waa horay lagu aqbalay laguna dhagaystay kiiskii Dalka Koofur Afrika ka gudbiyay Xasuuqa Israaiil ay ka gaysatay Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza, waxa ay ugu dambayn Maxkamadda ICJ amartay in Yuhuudda ay fasaxdo gargaarka bani aadamnimo bilaa shuruud.

Jarmalka waxa uu kamid yahay Dalal badan oo garab istaag xooggan u muujiyay Israaiil kuwaas oo xitaa amaah ku siiyay hub iyo gaadiidka ciidanka oo casri ah kaddib markii Israaiil ay awoodi waysay in ay soo furato maxaabiista Xamaas ay afduubatay oo ilaa haatan intooda badan gacanta ku hayaan.

Related posts

Somaliland Oo Caynabo La Keenay Ayaan Aragnaaye Hadii Ay Doorashadu Dib U Dhacdana…Prof Cali

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka oo digniintii ugu adkayd u diray Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Wasaarada Waxbarasha Iyo Xafiiska Imtaxaanadka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Imtaxaanka Shahaadiga Ah

Abdiaziz Bnnstaff