In ka badan6,000 ayaa ka qaxay jasiiradda sida ay sheegeen warbaahinta gudaha iyadoo mantana duuimaadyo degdeg ah ay halkaas ka baxayaan.
Dhulgariiro ka badan 300 ayaa ka dhacay meel u dhow jasiirada 48-dii saac ee la soo dhaafay. Khubarada qaar waxay sheegayaan in ruxanka uu sii soconayo ilaa iyo toddobaad.
Iskuulada ayaa ilaa iyo toddobaad xirnaan dono iyadoo dadka looga digay in ay meelo xiran isugu yimaadaan.
Jasiirada Santorini waa meel caan ku ah dalxiiska balse dadka ugu badan ee hadda ka baxaya waa dadka deegaanka.
Dadka ku nool jasiirada ayaa lagu qiyaasay 15,500, waxaana dalxiis u yimaadaan sanadkii malaayiin qof.
Inkastoo ilaa hadda aan la soo sheegin dhibaato weyn hadana waxaa la qaaday tallaaboyinka ka hortag ah.
Boqolaal qof ayaa saakay safaf u galay garoonka diyaaradaha si ay uga baxaan halkaas.