Borama News Network

Jigjiga Oo Dadku Qaar Ay Is La’yihiin Koronto La’aan Owgeed Iyo Maamulka Oo Warramay Sababta

Magaalada Jigjiga iyo qeybo badan oo ka mida magaalooyinka ku yaalla bariga dalka Itoobaaya ayaa maalintii shanaad koronta la’aan ay ka jirtaa taas oo saamayn ku keentay qaybaha kala duwan ee nolosha magaalooyinkaas.

Maqnaansha korontoda ayaa timi ka dib markii xatooyo loo gaystay taawarada korontada gudbiya ee agagaarka magaalada Awash taas oo keentay koronto la’aanta Jigjiga sida uu BBC-da u sheegay Maayarka magaalada Jigjiga Eng Shaafi Axmed Macallin.

“Guud ahaan dalka waxaa korontada laga helaa galbeedka iyo bartaha Itoobiya, waxaana soo qaada taawaro waaweyn, waxa dhacday xatooyo biraha layrka qaada loo gaystay, birahaas oo muddo dheer xatooyo loo geysanayo oo kolba biraha la furanyey qeybo ka mid ah ayaa waxaa keentay in roobabka hadda da’aya iyo dabayluhu ay dhacaan toddobo tiir oo waaweyn”ayuu yiri Shaafi.

Wuxuu intaa ku daray in labo habeen ay isku dayeen in qaar ka mida Qabaleyada loo adeegsado koronto kale oo ah nooca dabaysha laga dhaliyo ee Cayshica basle aan lagu guulaysan.

Related posts

Trump oo Iran ugu hanjabay inuu duqeyn aan horay loo arag ku beegsan doono

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska gobolka Banaadir oo ka hadlay dhallinyaro dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Dadka u Dhimanaya Macluusha Ka Jirta Gaza Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Sii Kordhaan!

Abdiaziz Bnnstaff