Borama News Network

Joe Biden iyo Trump oo isku adeegsaday hadalladii ugu adkaa kadib dood loo qabtay

Dooddii ugu horreysay ee telefishin laga sii daayo sanadkaan ee dhexmartay madaxweynaha hadda Joe Biden iyo madaxweynihii hore Donald Trump, ayaa ku soo dhammaatay iyadoo Biden uu u muuqday in aanu diiradda saarin waxyaabihii laga sugayay, waxaana dhacayay in hadallada qaar uu ku marganayay, codkiisa oo xabeeb lahaa iyo jawaabaha qaar oo aanu toos u abbaareynin.

Labada nin ayaa kala matalaya xisbiga dimuquraadiga ah oo Biden uu u sharraxanyahay iyo xisbiga Jamhuuriga ah oo Trump uu u taaganyahay.

Doodda oo uu qabtay telefishinka CNN, ayuu Mr Trump ka gaabsaday su’aal ahayd inuu mas’uul ka ahaa jabinta sharciga iyo rabshadihii dhacay, 2021, markii taageerayaashiisu ay weerareen Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Labada nin ayaa isku adeegsanayay hadallo adag iyadoo Biden uu Trump ku tilmaamay dambiile halka Trump qudhiisu isla eraygaas uu u adeegsaday Biden.

Arrimaha ay ku kala aragti duwanaayeen waxaa ka mid ah soo galootiga, ilmo iska soo xaaqidda iyo maareynta dhaqaalaha.Sidoo kale arrinta Ruushka ee dagaalka Ukraine iyo doorka NATO ayay isku maan-dhaafsanyihiin.

Related posts

Raysal Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu Oo Qaatay Go’aan Sii Kicinaya Falastiiniyiinta.

Abdiaziz Bnnstaff

Jilaaga Caan Ah Oo Aan Muslimka Ahayn Ee Aqriya Quraanka Bisha Ramadaan Iyo Sababta Ku Kaliftay

Abdiaziz Bnnstaff

“Kursiga Maayer Mooge Ninka Rabaa Waa Nin Masaajid Baayacey…” Xildhibaan Guruuje Si Adag Uga Hadlay Xil Ka Qaadista Maayir Mooge

Abdiaziz Bnnstaff