Borama News Network

Joe Biden oo qiray da’da balse wacad ku maray inuu ka badin doono Trump

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Jimcihii sheegay in uu damacsanyahay in uu kaga adkaado doorashada madaxtinimo ee bisha November ee soo socota murashaxa xisbiga Jamhuuriga, Madaxweynihii hore Donald Trump.

Isagoo hadal ka jeedinayay isu soo bax ay taageerayaashiisa ka sameeyeen Magaalada Raleigh, ee gobolka North Carolina, ayuu Biden yuri: “Hadaan runta muuqata sheego, waan ogahay inaanan ahayn nin dhalinyaro ah, in aan u socon karin sidii aan horey ugu socon jiray, oo aanan u hadli karin sidii hore, oo aanan u dooni karin sidii hore – laakiin waxaan hubaa in aanan mar kale afar sano oo kale aanan u tartami laheyn hadii aanan hubin in aan shaqadan qaban karo” ayuu yidhi Biden.

Bandhigiisii doodii uu habeen hore la yeeshay Donald Trump ayaa aad u niyad jebisay qaar badan oo ka mid ah taageerayaasha dimuuqraadiyiinta oo hadda bilaabay inay wax iska weydiiyaan inay bedelaan murashaxooda 81 sana jirka ah iyo in kale.

Related posts

Xamaas oo markii ugu horreysay looga banaanbaxay Qasa gudaheeda

Abdiaziz Bnnstaff

Xukuumadda Somaliland Oo Soo Af-jartay Qaramaynta Ciidamada Madaniga Go’aamo Adagna Ka Soo Saartay Hubka Lagu Dhex Wato Ceerigaabo

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobey: 14 sano Ayey Qaadan Doontaa si Loo Nadiifiyo Qasa

Abdiaziz Bnnstaff