Borama News Network

Ka dib Pakistaan dal kale oo Muslim ah iyo Hindiya oo goradda isla galay

Wax ku bilowday baaqyo dadweyne oo ah in la joojiyo u safaridda Turkiga ayaa hadda isku baddeshay xiisad ballaaran, iyadoo Hindiya ay goysay xiriirkii ganacsiga iyo kan taclliinta jaamacadaha Turkiga.

Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa ka dhalatay taageeradii dhawaan Turkigu si cad ugu muujiyay Pakistan intii ay socdeen xiisadaha u dhexeeyay Hindiya iyo Pakistan.

Khamiistii, Hindiya waxay ka mamnuucday shirkadda Turkiga ee Celebi in ay ka hawlgasho garoomada diyaaradaha dalka, iyadoo sabab uga dhigtay walaacyo ku saabsan amniga qaranka, eeddaas oo ay shirkaddu si cad u beenisay.

Sidoo kale, dhowr jaamacadood oo Hindi ah oo ay kamid yihiin Jawaharlal Nehru University, Jamia Millia Islamia, iyo Maulana Azad National Urdu University ayaa hakiyay xiriirkii tacliimeed ee ay la lahaayeen hay’adaha waxbarasho ee Turkiga.
Celebi, oo horey u maamuli jirtay adeegyada dhulka ee garoomada waaweyn sida Delhi iyo Mumbai, ayaa si rasmi ah meesha looga saaray, iyadoo la raacayo amarrada wasaaradda duulista hawada ee federaalka.
Wasiiru dowladaha duulista hawada ee Hindiya ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee horey loo oran jiray Twiter, waxaa uu ku sheegay in dhawaanahan dowladdu heshay codsiyo kala duwan oo lagu dalbanayoo mamnuunicdda in shirkaddan la mamnuuco.

“Anagoo garwaaqsan muhiimadda arrinta iyo baaqa lagu difaacayo danaha qaranka, waxaan tixgelinay codsiyadan. Wasaaradda Duulista Hawada waxay laashay oggolaanshihii amniga ee shirkadda la sheegay.”
Sida laga soo xigtay Bloomberg, Celebi waxay sheegtay inay adeegsan doonto dhammaan wadiiqooyinka “maamul iyo sharci” si ay “u caddayso” eedeymaha, una raadiso sidii looga noqdn lahaa amarkaasi .

Shirkadu waxaa sidoo kale ugu yeertay kala noqoshada oggolaanshihii amniga in ay ahayd “mid caddaalad darro ah,”

“Shirkaddeena iyo la-hawlgalayaasheena wax mas’uuliyad ah kama saarna wax kasta oo carqaladeyn kara, dib u dhac ama saameyn taban oo ku yeelan kara howlaha garoonka diyaaradaha iyo taraafikada duulista rayidka ee Hindiya,” sida ay Bloomberg ka soo xigtay shirkadda.

Isbuucii hore, dagaal dhimasho sababay ayaa ka dhex qarxay Hindiya iyo Pakistan kadib markii Delhi ay duqeymo cirka ah ku qaaday dariskeeda, iyadoo sheegtay inay kaga jawaabaysay weerarkii dhimashada lahaa ee ka dhacay Pahalgam oo ku yaal Kashmir qaybta ay Hindiya maamusho. Pakistan waxay beenisay in ay lug ku lahayd weerarkaasi.

Turkiga iyo Azerbaijan ayaa si degdeg ah u garab istaagay Pakistan kadib weerarkii milatari ee Hindiya , Ankara waxay ka digtay “dagaal buuxa”, halka Baku ay cambaareysay weerarada Delhi.

Dhibaatadii ka dhalatay arrintaasi waxay dhalisay falcelin aad u xooggan, iyadoo baraha bulshada lagu baahinayay baaqyo lagu dalbanayo in la qaadaco Turkiga iyo Azerbaijan, taasoo ay taageereen siyaasiyiin sare. Ololaha qaadacaadda ayaa sii xoogeystay kadib markii la soo sheegay in drones Turkish ah ay Pakistan u adeegsatay weerar ka dhan ah Hindiya.
Rajeev Chandrasekhar, oo horey u soo noqday wasiir heer federal kana tirsan xisbiga Raysal Wasaare Narendra Modi ee Bharatiya Janata Party (BJP ayaa isagoo arrintan ka hadlaya yiri

“Qofkasta oo Hindiya oo howlkar ah kaas oo doonaya inuu u safro dibada si dalxiise ah waa inuu manta fahmaa in lacagtooda sida adag ku soo gashay aysan ku biixn kuwa caawiyey cadowga dalkeena”

Baaqyada lagu faafiyay baraha bulshada ee ku saabsan qaadacaadda ayaa si degdeg ah u yeeshay saameyn, iyadoo mareegaha safarka ee Hindiya ay soo sheegayaan koror weyn oo ku yimid joojinta safarrada toddobaadkan.

” Socdaalayaasha Hindiya ayaa muujiyey dareen xooggan ilaa toddobaadkii la soo dhaafiyey, carbuunashada safarada Azerbaijan iyo Turkey-na way yaraadeen 60%, halka baaqashadu ay kor u kacday 250%,” ayuu yiri afhayeen u hadlay bogga socdaalka ee MakeMyTrip.

Rohit Khattar, oo mamaula shirkad safar oo ku taalla Delhi, ayaa sheegay inuu durba arkayo kalsooni darro cad oo ka muuqata macaamiisha oo ku saabsan booqashada Turkiga.

“Dhallinyaro badan oo socoto ah ayaa laga yaabaa inay ka fogaadaan, iyagoo ka cabsi qaba falcelin ka timaadda baraha bulshada ama canaan bulsho,” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in shirkaddiisu aysan gelin doonin khatar ah inay maalgeliso safarro laga yaabo inaanay hirgelin.

Sida laga soo xigtay xog rasmi ah, 330,100 oo reer Hindiya ah ayaa booqday Turkey sanadkii 2024-kii taas oo ahayd kororka marka loo eego sanadkii 2023-kii oo ay ahayd 274,000. Halka Azerbaijan ay iyadana koror dareentay ayna booqdeen 244,000 oo u dhashay Hindiya sanadkii la soo dhaafay.

Inkasta oo tirada Hindiyaanka booqday Turkigu sarreyso haddana waxay boqolkiiba hal ka yihiin ajaaniibta u booqday Turkerga sanadkii 2024-tii, saamigaas oo ah mid kooban oo saameyn yar ku leh dakhliga guud ee dalxiiska. Si kastaba ha ahaatee, waxay ka qayb qaateen ku dhawaad 9% soo-galitaanka ajnebiga ee Azerbaijaan.

Kadib faafitaankii Covid-19, Turkiga iyo Azerbaijaan waxay noqdeen meelaha caanka ah ee dalxiisayaasha Hindiya sababo la xiriira qiimaha jaban, dhawrsanaanta, iyo khibradaha u eg Yurub oo kharashyo hooseeya leh.

Qaar ka mid ah isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa soo jeedinaya beddel kale sida Giriigga, laakiin bogagga safarka ayaa sheegay in aanay jirin koror weyn oo xiisaha ah.

Bogga safarka ee Cleartrip ayaa u sheegay BBC-da, “Maadaama tani tahay xaalad sii kordhaysa, ma aragnay koror ama hoos u dhac weyn oo ku saabsan baahida loo qabo meelaha kale ee dalxiiska.”

Related posts

Raysal Wasaaraha Iyo Madaxweyneyaasha Seddex Maamul Goboleed Ayaa Xalay Boqolaal Qof

Abdiaziz Bnnstaff

Sida Facebook Iyo TikTok Khatar u Gelin Karaan Soonkaaga, Iyo Waxyaabaha Ay Tahay In Aad Ka Fogaatid

Abdiaziz Bnnstaff

Badhasaabka Gobolka Awdal Ayaa Amray In La Isoo Xidho” Gudoomiye Ku Cigeenka Ururka Qareenada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff