Borama News Network

Kalluumeysato Iraaniyiin ah oo lagasii daayay xabsiyada Soomaaliya

Iran ayaa sheegtay in maxaabiis kaga xirnaa Soomaaliya ay dib u heleen xorriyaddooda.

33 kaluumaysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada dalka Soomaaliya ayaa la sii daayay, waxaana ay dib ugu laabanayaan dalka Iran iyagoo diyaarad lasoo saarayo sida ay ku waraantay warbaahinta Irna ee Iran.

Cali Maxamed Cumar Balcad oo ah kusimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay in 33-kaluumeysato iyo badmaaxiin u dhashay dalka Iran oo ku xirnaa xabsiyada Soomaaliya la sii daayay, kuwaasi oo dib ugu soo laabanaya dalkooda, sida uu ku dhawaaqay Safiirka Iran u fadhiya Kenya Ali Gholampour.

Gholampour oo sidoo kale ah Safiirka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u fadhiya Soomaaliya ayaa intaa ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.

Related posts

Dowladda Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Celisay 22 Dhallinyaro Ah Oo Ku Xernaa Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff

Afar Wasiir Oo Lagu Siiyo Iyo In Dalka Laguu Dhiso Midkee Fiican ” Cali Xaamud Oo Si Adag Ula Hadlay Reer Awdal

Abdiaziz Bnnstaff

“Madaxtooyada waxaa lagu buufiyay calankii xisbiga Waddani..” Wasiir Hore Buuni

Abdiaziz Bnnstaff