Borama News Network

Kaluumaysato Shiine Ah Oo Dhintay Xilli Ay Eryanayeen Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jasiirada Taiwan

Labo kaluumaysato ah oo Shiinees ah ayaa ku hafasho u dhintay xilli ay ciidamada ilaalada xeebaha Taiwan ku eryanayeen jasiiradda Kinmen ee waqooyiga ugu xigta Taiwan.

Taipei ayaa sheegtay in doonida kalluumeysiga ay ku xad gudubtay biyaha Taiwan Arbacadii.

Afar Kalluumaysato ah oo la socday Doonta ayaa diiday in la baaro, waxaana doonida ay qalibantay markii ay eryadeen ciidamada ilaalada xeebaha ee Taiwan.

Beijing “si adag ayay u cambaareysay” dhacdada, iyadoo sheegtay in ay si dhab ah u dhaawacday dareenka dadka wadaniyiinta ah ee labada dhinac ee marin biyoodka Taiwan.

Kinmen ayaa 3km (1.86 mayl) u jirta xeebta koonfureed ee Shiinaha, taas oo ka dhigaysa jiida hore ee xiisadda u dhaxaysa Shiinaha iyo Taiwan.

Shiinuhu waxa uu Taiwan u arkaa in ay tahay gobol ka go’ay isaga , ugu dambayntiina ka mid noqon doona dalkaasi, mana uu meesha ka saarin in awood loo adeegsado si arrintaasi loo gaadho.

Sanadihii la soo dhaafay, dadka deggan Kinmen waxay soo sheegeen in ay arkeen kor u kaca joogitaanka maraakiibta Shiinuhu ku gurayo ee agagaarkeeda. Kooxdan jasiiradaha ah ayaa waxa ku nool ilaa 180,000 oo qof, waxaanay ku yaalaan meel 187km u jirta jasiirada ugu wayn Taiwan.

Related posts

“Laascaanood Waxaan Leeyahay Ictiraafkii Bishan Ayuu Imanayaaye Soo Laabta” Siyaasi Jabarte

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Loo Qaybiyay Wax Ka Bedelka Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliya Oo Ka Warbixiyay Hawlgalka Dadka Lagaga Rarayo Xaafada Dabsamiska

Abdiaziz Bnnstaff