Borama News Network

Kamala Harris oo durba hore ka bilawday eedaynta Trump xilli ololaheedii bilaw yahay

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa durtaba weerar hor leh ku qaadday Donald Trump isu soo bixii ugu horreeyay ee ololaheeda Aqalka Cad, iyadoo ku tilmaantay doorashada November mid ay ku kala dooranayaan dacwad oogaha hore iyo dembiilihii la xukumay.

Iyadoo la hadleysay dad gaadhaya 3,000 oo qof oo ku sugnaa gobolka lagu dagaalamayo ee Wisconsin, Ms Harris ayaa khiyaamolayaal ku tilmaantay xisbiga ay is hayaan Jamhuuriga, ayna ay sheegtay in ay ahaayeen iyagu ciddii dacwadda ku oogtay danbigaas dartiis.

la mid noqotay mucaaridkeeda Jamhuuriga iyo kuwa wax khiyaano ee ay sheegtay in ay dacwad kusoo oogtay.

Dhanka kale, Trump wuxuu weeraray rikoorkeeda xadka, wuxuuna soo dhigay baraha bulshada: “Lyin’ Kamala Harris waxay burburisaa wax kasta oo ay taabato!”

Trump ayaa isna ku eedeeyey in ay been sheegayso, sida soo dhigay baraha bulshada ‘in ay burburiso wax kasta oo ay taabato’.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya maalin uun ka dib markii ay heshay taageerada aqlabiyadda ergooyinka Dimuqraadiga, taas oo u gogol xaadhaysa in ay noqoto murashaxa xisbigaas.

Related posts

Donald Trump oo sheegay in uu aad ugu carooday Vladimir Putin, hanjabaadna u diray

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Erdogan oo Falastiin ugu baaqay in ay midoobaan si ay guul u gaadhaan

Abdiaziz Bnnstaff

Akhriso Warbixin Xasaasiya Oo Muran Galisay Badqabka Maskaxda Madaxwaynaha Dalka Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff