Borama News Network

Kenya oo joojinaysa baaritaanka dadka dalbanaya kaarka aqoonsiga Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya.

Hadalkan ayuu ka sheegay Ruto magaalada Wajeer, mar uu halkaa kula hadlayey dad isu soo baxay.Wuxuu intaa ku daray in shucuubta ku nool agagaarka Xuduuddaha Kenya ay hadda ka dib si fudud u heli doonaan adeegyada dawladda.

Nidaamka baaritaanka dadka dalbanaya kaarka muwaadinnimada Kenya ayaa jiray muddo 60 sano gaaraysa, arrintaasoo Soomaalida Kenya iyo xildhibaannada ay aad u dhaliili jireen, ayadoo doonayey in wax laga beddelo.

Ruto oo maalmahan socdaal ku marayey gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa la filayaa maanta inuu gaaro magaalada Gaarisa.

Related posts

“Safiirka Itoobiya Iyo Safaaradooda Waa In La Eryaa Dadkuna Waa In Ay Isku Soo Baxaan” Xildhibaan Saadiq

Abdiaziz Bnnstaff

Iran Oo Hawada Sare u Dirtay Labo Dayax-gacmeed Oo Laga Diray Dhulka Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff

Isreal Iyo Xisbullah Oo Mindiyaha Isku Lisanaya Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Labad Dhinac

Abdiaziz Bnnstaff