Borama News Network

Kenya Oo Madaxwayne Ku Xigeen Cusub Loo Magacaabay Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa madaxweyne ku xiigeenka dalka u magacaabay Prof Kithure Kindiki, kaas oo bedeli doona madaxweyne ku xiigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, kaas oo ay xilka ka qaadeen xildhibaanada iyo senetarda dalka.

Kithure Kindiki, oo haatan ah wasiirka arrimaha gudaha, ayaa waxaa uu u baahan doonaa in baarlamaanku ansixiyo, ka hor inta uusan la wareegin xilka madaxweyne ku xiigeenka dalka.

Baarlamaanka dalka ayaa ku qasban inay u codeeyaan magacaabsitiisa muddo 60 maalmood ah gudahood kadib markii la soo gudbiyo magaciisa.

Rigathi Gachagua ayaa xilka laga qaaday kadib markii lagu eedeeyay in uu hanti ku helay qaab musuqmaasuq ah.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ku eedeeyay Rigathi Gachagua inuu ku dhaqmayo siyaasad isir ku saleysan oo uu ku wiiqayo dowladda.

Related posts

Waa Sidee Xaalada Qubuuraha Iskuul Boolisiya Ee Magaalasa Miqdisho Muxuuse Yahay Shardiga Cusub Ee Lagu Soo Rogay Dadka

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Soomaaliya oo Shidaalka Soomaaliya Ku wareejisay Turkiga

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa kala qabsaday guddida joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff