Maxkamad ku taalla Kenya ayaa maanta dhegeysatay kiis safrinta xayawaannada oo heerkiisu sarreeyo, kaasoo ku lug leh dhoofinta sharci-darrada ah ee kumannaan kun oo quraanjo nool ah.
Eedeysanayaasha—oo kala ah wiilal dhalinyaro kasoo jeeda Biljamka oo lagu kala magacaabo Lornoy David iyo Seppe Lodewijckx, mid Vietnam u dhashay, Duh Hung, iyo qof Kenyaan ah, Dennis Ng’ang’a—ayaa qirtay inay dhoofinayeen in ka badan 5,000 oo quraanjada nooca Messor cephalotes ah, oo sidoo kale loo yaqaanno Giant African Harvester Ants, kuwaasoo la dhex-geliyay ilaa 2,200 tubooyin ah si ay usii noolaadaan inta safarka lagu jiro.
Quraanjadan oo keliya laga helo Bariga Afrika, ayaa la doonayay in lagu iibiyo suuqyada Yurub iyo Aasiya, halkaasoo hashii quraanjo ay ka joogto ilaa $130.
Maxkamadda ayaa xukunka raggan u dib dhigtay 7-da May.
Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS), oo aad looga bartay ilaalinta noolaha waaweyn, sida libaaxa iyo maroodiga, ayaa arrintan ku tilmaantay “dhacdo taariikhi ah”.
Kiisku wuxuu muujiyay “isbedel naxdinleh oo ku yimaaday qaababka ka ganacsiga [noolaha] – laga bilaabo naasleyda caanka ah ilaa noocyada aan caanka ahayn ee muhiimka u ah isku dheellitirnaanta deegaanka”, ayay tidhi Waaxda Adeegga Duurjoogta ee Kenya.
Tuhmanayaashu waxay ku qariyeen noolayaashan la qabtay “tubbooyin la farsameeyay oo si gaar ah loo hagaajiyay iyo silingooyin” kuwaas oo awood u siin lahaa cayayaanka inay sii noolaadaan laba bilood, ayay tidhi KWS.
Waxaa kale oo jiray “isku day la xisaabiyey oo lagu doonayay in lagaga gudbo nidaamyada amniga” iyadoo la qarinayo waxa ku jira tuubooyinka.
Sawirro laga soo qaaday rarista sharci darrada ah ee ay Waaxda Adegga Duurjoogta ee Kenya shaacisay ayaa muujinaya boqolaal silingooyin ah oo ay ka buuxaan suufaf oo mid walba ay ku jirto labo ama saddex qudhaanjo.
Tirada saxda ah ee cayayaanka la dhoofinaayay ayaa wali ku socotaa qiimayn laakiin afhayeenka KWS Paul Udoto ayaa BBC u sheegay in tani ay tahay kiiskii ugu horreeyay ee “burcadnimo” oo dalka gudahiisa ka dhacda oo heerkan ah.
Afarta qof ee la tuhunsan yahay oo kala ahaa labo u dhashay dalka Belgian, Vietnamese iyo Kenyan – ayaa la xidhay ka dib waxa ay hay’adda KWS ku tilmaantay “howlgal qorshaysan oo sirdoonku hogaaminayey”
Waxaa la aaminsan yahay in meelaha loogu waday qudhaanjooyinkaan ay ahaayeen suuqyada xayawaanka ee Yurub iyo kuwa Aasiya
KWS ayaa sheegtay in baahida loo qabo noocyada cayayaanka dhifka ah ay sii kordheyso. Soo ururiyeyaashu waxay ku hayaan degaanno gaar ah, oo loo yaqaanno foricariums – oo ah sanduuq xidhan oo lagu sameeyo darsidda qudhaanjada iyo dhismaha deegaanadooda.
Qudhaanjada waaweyn qadhaabsata ee dhalatuuga Afrikaanka ah – ama Messor cephalotes – waa tan ugu weyn noocyadeeda waxayna kori kartaa ilaa 20mm, iyadoo boqoraddu ay korto ilaa 25mm.
Pat Stanchev, oo ah maamulaha guud ee website-ka ka ganacsada cayayaanka ee Best Ants ee UK, ayaa sheegay in ay tahay “xajmiga weyn ee quruxda badan” taas oo ka dhigaysa mid soo jiidasho leh kuwa doonaya in ay u haystaan sidii xayawaan guri.
Isagu ma iibiyo qudhaanjada weyn ee Afrikaanka ah ee qadhaabsata balse waxa uu BBC-da u sheegay in uu ka warqabo dadka isku dayaya in ay u gudbiyaan cayayaanka sida sharci darrada ah loo keeno.
Dalka Kenya, qudhaanjada waxaa ilaaliya axdiyada kala duwanaanshaha noole ee caalamiga ah, ganacsigooduna aad buu u nidaamsan yahay.
“Xeer ilaalintan waxay diraysaa farriin adag oo ah in Kenya ay dhaqan galin doonto amaro… waxayna calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dagaalka ay Kenya kula jirto dambiyada aan caadiga ahayn ee duurjoogta,” ayay Waaxda Adeegga Duur-joogta Kenya (KWS).
Afarta nin ayaa lagu wadaa in la xukumo maalinta Talaadada ah.