Borama News Network

Kenya oo sheegtay in ciidamada NISA ee Soomaaliya ay weerar khasaare dhaliyay ka geysteen xadka labada dal

War uu soo saaray booliiska Kenya oo loo qeybiyay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay in hal sarkaal uu ku dhintay mid kalena uu ku dhaawacmay isku dhac dhex maray ilaalada xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA).

Booliiska ayaa sheegay in shan sarkaal oo ilaalinayay xadka Mandera si kedis ah ay usoo weerareen saraakiil ka tirsan NISA.

“Mid ka mid ah saraakiisha ayaa rasaas uga dhacday caloosha u geeriyooday halka kan kalena ay uga dhacday gacanta bidix, weerarkan oo dhacay Jimcihii.” ayaa ku xusneyd qeyb ka mid ah warbixinta booliiska Kenya.

Sarkaalka dhaawacmay ayaa la sheegay in loola cararay isbitaalka Mandera si loo daweeyo.

Mar aan isku daynay inaan war ka helno NISA si aan arrintan wax uga weydiinno ayaysan inoo suurto-gelin.

Related posts

Labo Wiil Oo Walaalo Ah Oo Maanta Lagu Dilay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Abdiaziz Bnnstaff

“Kulmiye Waxa Uu Xabsiga Dhigay Haweenkii Codka Iyo Cududa Lahaa Ee Jaan Gooya Madaxda Dalka”

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka oo kiisaska magangalyo doonka ah ee sanado ahaa ka dhigaysa muddo 6 todobaad ah.

Abdiaziz Bnnstaff