Borama News Network

Khasaare xooggan oo ka dhsahay isku dhac dhex maray ciidamda Suuriya iyo kuwo daacad u ah Assad

Hay’ad u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay, in dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya ay billowday howlgal ballaaran, kaas oo lagu sugayo ammaanka, kaddib markii uu billowday dagaal ay kula jiraan, taageerayaasha madaxweynahii xilka laga tuuray, Bashaar Al-asad.

In ka badan 70 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen iska horimaadyadan, kuwaasoo billowday markii ciidamada dowladda weerar gaadmo ah lagu qaaday xili ay ku sugnaayeen magaalada Latakia, oo mar ahaan jirtay xarun ay ku xooggan yihiin qoyska Asad.

Bandow ayaa lagu soo rogay magaalada, iyo sidoo kale agagaarka magaalooyinka Tartous iyo Homs.

Rabshadaha ayaa ah caqabadii ugu weyneyd ee soo wajahda maamulkaa cusub ee Suuriya, tan iyo markii ay Meesha ka saareen nidaamka Bashaar Al-Asad bishii December.

Related posts

Dagaalo Culus Oo Dib Uga Qarxay Deegaanada Xuduudka Ee Somalida Iyo Canfarta Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Dagaalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

WAR XASAASI AH: “Sacad Muuse Iyo Ciise Muusoow Dagaalka Garxajis Udiyaar Garooba..” Suldaan Sabayste

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Somaliya Oo Xaqiijiyay In Dowlada Turkigu Gudaha Somaliya Ka Dhisanayso Saldhig Laga Diro Dayax gacmeedka

Abdiaziz Bnnstaff