Borama News Network

Koomishanka Doorashooyinka Oo Xaruunta Ku Qaabilay Wefti Uu Hogaaminayo Safiirka Dalka Denmark.

(QMN)- KDQ, Ayaa Maanta Xaruuntoodda Caasimadda Dalka Ee Hargeysa Ku Qaabilay Wefti Uu Hogaaminayo

 Safiirka Dalka Denmark.
Koomishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Iyo Weftiga Uu Hogaaminayo Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen, Ayaa Ka Wadda Hadlay Sidda Lagu Sheegay Qoraal Kooban Oo Lagu Baahiyay Barta Facebook-ga Ee KDQ, Halka Ay Marayso Hawlaha Diyaargarowga Ee Doorashooyinka Is-barkan Ee Madaxtooyadda Iyo Ururadda Siyaasadda Ee 13-ka November 2024-ka Dalka Ka Dhacaysa, Waxaanna Lagu Yidhi Qoraalka Koomishanka Doorashooyinka JSL, Kasoo Baxay “Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ayaa maanta xaruntiisa ku qaabilay  Safiirka Dalka Denmark Ambassador Steen Sonne Andersen oo ay weheliyaan, Madaxa xafiiska Denmark ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Mathias Kjaer iyo sarkaal ka tirsan Safaara Mr Abdiqani. 
Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen halka ay marayaan hawlaha doorashooyinka isku-sidkan ee 13-ka Novermber, Safiirka ayaa KDQ ku amaanay Sidda ay ugu diyaargaroobeen Doorashadda.
Markii shirku soo Dhammaadday, KDQ iyo Safiirka ayaa soo kormeeray bakhaarka lagu diyaarinayo agabka cod-bixinta Doorashadda 13-ka November 2024″.

Related posts

Somaliland Oo Shaacisay Tirada Rasmiga Ah Ee Dadka Loo Soo Xidhay Ugaadhsiga Duurjoogta

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Dowlada Rwanda Ku Eedeeyay Taageerada Falaagada M23

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaabiista (25) La Sii Deynayo Waxaa Lagu sii Deynayaa Arimo Bani Aadannimo” Maamulka Khaatumo

Abdiaziz Bnnstaff