Borama News Network

Koox Daacad U Ah Madaxwaynihii Hore Ee Suuriya Bishaar Al Asad Oo Dad Ku Laayay Gudaha Suuriya

Maamulka cusub ee mucaaradka ee Suuriya ayaa sheegay in 14 ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha la dilay, halka 10 kalena lagu dhaawacay “weerar gaadmo ah” oo ay fuliyeen xoogag daacad u ah madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar al-Assad, galbeedka dalkaas.

Waxay sheegeen in dagaalku uu ka dhacay meel u dhow dekedda badda Mediterranean-ka ee Tartous, Talaadadii.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammada amniga lagu weeraray si gaadmo ah markii ay isku dayeen inay qabtaan sarkaal hore oo lala xidhiidhinayo doorarkiisa xabsiga caanka ah ee Saydnaya, oo ku dhow caasimadda Dimishiq.

Wax ka yar laba toddobaad ka hor, madaxtinimadii Assad ayaa u gacan gashay xoogag mucaarad ah oo uu hoggaamiyo garabka Islaamiga ah ee Hay’at Tahrir al-Sham (HTS).

Ururka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ee fadhigiisu yahay UK (SOHR) ayaa sheegay in saddex ka mid ah dagaalyahanada mucaaradka ay sidoo kale ku dhinteen iska horimaadyada.

Related posts

“Ninka 15 Sanno Madaxweyne Ku Xigeenka Ahaa Ee Markuu Rawaxay Yidhi ..” Wasiir Buuxane

Abdiaziz Bnnstaff

Madxawaynee Zelensky Oo Sheegay In Uu Soo Bandhigi Doono Qorshe Lagu Soo Afjarayo Dagaalka Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff

Dal ka mid ah dalalka ugu badan ee dhoofiya shidaalka oo gawaaridiisa u beddelaya kuwa ku shaqeya korontada

Abdiaziz Bnnstaff