Borama News Network

Kooxo Hubaysan Oo Wiil Dhalinyaro Ah Ku Dilay Magaalada Gaalkacyo Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Rooble kadib markii ay rasaas ku fureen kooco hubeysan isku dayay in ay taleefon uu watay ay ka qaataan.

Weli lama sheegin cid loo qabtay dilka marxuumka islamarkaana wax war ah kama soo bixin laamaha amniga Puntland ee gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo.

Degaannada Maamulka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay Falalka Lidigu ku ah Amniga iyadoo Hay’adaha Amniga Puntland marar badan ay ku cel celiyeen in ay wax ka qabanayaan Amni Xumada ka jirta degaannadaPuntland.

 

Related posts

Doorashadii Dalka Faransiiska Oo Awood Xoogan La Isku Muquuniyay

Abdiaziz Bnnstaff

Xogta duqaymo kale oo Maraykanku uu la beegsaday Daacishta ku jirta buuraha Calmiskaad.

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Odayaasha Somaliland ku Booriyay Inay Doorkooda ka Qaataan Difaaca Badda Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff