Borama News Network

Ku dhawaad 8 Kun oo Haween oo Cabasho u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre

Dhaqdhaqaaqa Sinnaanta ee Jandarka Soomaaliya ayaa warqad cabasho ah u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre kaddib markii ay Haweenku waayeen kuraas ay horay uga heysteen Xukuumaddiisa.

Xaanshida loo diray Ra’iisul Wasaare Xamsa lana Ogeysiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayay xubnahaan ku muujiyeen cabashooda la xiriirta in Magacaabistii ugu dambeysay ee Wasiirka Koowaad ee XFS uu sameeyay ay ku waayeen labo Kursi.

Waxa ay sheegeen in Haweenku markii hore Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ay ka ahaayeen 12% oo waxa ay ka haysteen 9 Xil oo Golaha Wasiirada katirsan balse haatan ay dhumiyeen labo kursi taasi oo ka dhigtay in ay noqdaan 9%.

“Ra’iisul Wasaare, annaga oo ah Dhaqdhaqaaqa Somali Gender Equity Movement oo loo soo gaabiyo SGEM, Guddiga Golaha Sare iyo xubnahiisa oo ku dhawaad 8,000 oo haween Soomaaliyeed oo mar kasta u taagan ilaalinta xuquuda haweenka waxaan ka soo horjeednaa, cambaareyneynaa, aadna uga xunnahay jagooyinka haweenka Soomaaliyeed oo markii horeba hooseeyey in qaar badan si xawli ah rag loogu beddelayo” ayaa lagu yiri qoraalka SGEM.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaa nasiib darro ah in Golaha Wasiirada oo ka kooban 75 xubnood ay markii horeba 9 kaliya (12%) haween ahaayeen, maalintii shalayna ay haweenku lumiyeen hal wasiir iyo hal wasiiru dowle oo ay hadda hoos ugu dhaceen 7 (9%). Illaa iyo hadda jagooyinka ay ku fadhiyeen haween Soomaaliyeed oo rag la siiyey waxaa ka mid ah”

Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka

Wasiru Dowlaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga

Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska

Xisaabiyaha Guud

Gudoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe

Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaarada Beeraha aheydna sii hayaha Xoghayaha Guud.

“Ra’iisul Wasaare, waxaa kale oo jira in labo haween ah laga hor-istaagay in ay u tartamaan jagooyinka caalamiga ah ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaxwaynaha Baarlamaanka Adduunka”ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Waxa ay si toos ah u dalbadeen Haweenka in xubnaha Xildhibaannada ee Dowladda Federaalka ay u magacaabayso Ururka Bulshada Bariga Afrika in laga siiyo 4 xubnood 9ka Mudane maadaama ay hoos u dhacday tiradii ay ka haysteen Dowladda Federaalka sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa soo jeedineynaa talooyinka soo socdo: In jagooyinka haweenka laga qaaday loogu beddelo kuwo u dhigma iyo in ka badan si loo helo isku-dheelitirnaasho, cadaalad iyo dowlad loo dhanyahay. In 9-ka xildhibaan ee loo magacaabi doono Bulshada Bariga Afrika ay ugu yaraan 4 haween noqdaan” ayaa lagu yiri warka SGEM.

Xildhibaanno u badan xubno xilal ka haya labada Gole ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Dumarka ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaliilay in Wasaaradda Haweenka laga weeciyo dhankooda.

Related posts

Kulmiye Xukuumadiisu Way Sii Dumaysaa ” Siyaasi Cabdiqani Gadhka

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta oo gantaallo culus ku garaacay Dekedda Eilat ee Israaiil ka dhisatay Dhulka Falastiin.

Abdiaziz Bnnstaff

Agaasimaha Machadka Heritage Oo Sheegay In Dalka Jabuuti Ay Ku Soo Heshiiyeen Muuse Biixi Iyo Xasan Sheekh Balse Uu Muuse Biixi Ka Baxay

Abdiaziz Bnnstaff