Borama News Network

Ku Dhowaad 100 Meydadka Muhaajiriin Laga Soo Saaray Badweynta Atlaantikada

Ilaalada xeebaha Mauritania ayaa Isniintii ilaa 89 meydadka muhaajiriin kasoo saaray doon ay saarnaayeen oo ku qallibantay Badweynta Atlaantikada.

Sagaal qof – oo ay ku jirto gabar shan jir ah – ayaa lasoo badbaadiyay, balse dhowr kale ayaa maqan.

Dadka badbaaday ayaa sheegay in doonta – oo ahayd mid kalluumeysi – ay toddobaadkii hore kasoo shiraacatay xadka Senegal iyo Gambia iyadoo ay saarnaayeen ilaa 170 qof. Waxay ku quustay xeebta koofur-galbeed ee Mauritania.

Mauritania ayaa marin muhiim ah u ah tahriibayaasha isku dayaya inay gaaraan Yurub kana imaanaya Galbeedka Afrika, iyadoo kumannaan kun oo doomood ay sanadkii hore ka tageen dalkaas.

Meesha ugu badan ee ay hiigsadaan muhaajiirintan ayaa ah Jasiiradaha Canary ee Spain.

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ku dhowaad 40,000 oo qof ay sanadkii hore tageen halkaas – waana labalaabka tiradii sanadkii ka horreeyay.

Related posts

“Ma Jirto Cid Maayar Mooge Xilka Ka Qaadi Karto”Xidhibaan Cudhay Si Adag U Difaacay Maayir Mooge

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed Oo Xisbiyada Dalkaasi Kala Tashanaya Heshiiskii Uu La Galay Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

“Masiibooyinkii ugu badnaa ayaa dalka ka dhacay 7 sanno ee Kulmiyaha dambe “ Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Kaah Cabdilaahi Dheere

Abdiaziz Bnnstaff