Borama News Network

Ku dhowaad 150 Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Ku Xayirnaa Liibiya Oo Dalka Dib Loogu Soo Celiyay

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay boqol iyo afartan iyo shan muwaadiniin ah, kuwaas oo ku xayirnaa dalka Liibiya.

Barnaamijkan oo ah mid si ikhtiyaar ah uu qofka dib ugu soo labanayo, ayaa waxaa lagu soo warramayaa in 37 kamid ah dadkaas dib loogu celiyay magaalada Hargeysa ee jamhuuriyaddda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, halka inta kalena laga dejiyay garoonka magaalada Muqdisho.

Kumanaan dhalinyaro Soomaali ah ayaa Liibiya u adeegsada meel ay uga gudbaan badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub, balse qaar badan oo kamid ah ayaa ugu dambeynti go’adon ku noqda dalka ku yaalla Waqooyiga Afrika,iyagoo u gacan gala dad “magafeyaal” ah

Barnaamijka iskaa u soo laabo waxaa gacan ka geysatay Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee Qramada Midoobay (IOM).

Related posts

Nin u dhashay Afghanistan oo loo haysto in uu khaarijin rabay Donald Trump

Abdiaziz Bnnstaff

Israel oo ka cadhootey in Mareykanku ka difaaci waayey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey

Abdiaziz Bnnstaff

“ Hadad Shalay Muuse Tijaabiseen Oo Ku Khasaarteen Cabdiraxmaan Ku Khasaarimaysan” Gudoomiye Xirsi

Abdiaziz Bnnstaff