Borama News Network

Kumanaan Falastiiniyiin ah oo ku sii qulqulaya waqooyiga Qasa

Kumanaan qof oo barakacayaal ah oo reer Falastiin ah ayaa maanta dib ugu laabanaya guryahooda oo ku yaala waqooyiga Qasa, kuwaas oo u xirnaa khilaaf soo kala dhex galay Xamaas iyo Israa’iil.

Sabtidi ayay ahayd in dadkaas reer Falastiin ay ku laabtaan guryahooda. Tiro dad ah ayaa Sabtida iyo Axadda isku soo baxay, kuwaas oo diyaar u ahaa inay jaraan masaafo dhan 7 kilomitir(4.3 meyl), dhulkaas oo ay Israa’iil maamusho.

Balse Israa’iil ayaa u diiday dadka reer Falastiin inay maraan marinkaas kadib markii Xamaas ay dib u dhigtay siideynta gabar la yiraahdo Arbel Yehub Sabtidi.

Israa’iil iyo Xamaas ayaa haatan ku heshiiyay in Khamiista la siidaayo Yehud iyo lahaystayaal kale oo labo ah, iyadoo Xamaas ay soo bandhigtay cadeyn muujineysa in Yehud ay nooshahay.

Related posts

Wakhtigii Baryadu Way Dhamaatay Waynu Is Xoraynaynaa” Prof Samatar

Abdiaziz Bnnstaff

Ma Jiro Wax Maclin Ah Oo Dabaq Laga Soo Tuuray” Masuuliyiinta Waxbarashada Somaliland Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Suudan Oo Dowlada Imaaraadka Carabta Ka Dalbatay Magdhaw Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff