Borama News Network

Kumanaan qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen duufaanta ku dhufatay Mayotte

Boqolaal qof, ku dhowaad kumanaan, ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen ka dib markii duufaanta Chido ay ku dhufatay xeebaha badweynta Hindiya, gaar ahaanna jasiiradda Mayotte oo Faransiiska maamulo.

Sarkaal sare oo maxalli ah ayaa ka digay, inay sii kordhi karto tirada dhimashada, iyadoo ay sii xoogeysanayaan dedaallada samatabixinta dadka maalmaha soo socda.

Boqolaal ka mid ah shaqaalaha samatabbixinta, oo ay ku jiraan ciidamo ka yimid dalka Faransiiska, ayaa gudaha u galaya burburka, iyagoo baadi goobaya dadka badbaaday.

Howlaha gargaarka degdegga ah, waxaa saameeyay burbur ballaaran oo ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha dalka. Khadadka korontada ayaa go’ay, wadooyinkuna waa kuwo aan la mari Karin iyadoo ay burbureen dhismeyaal badan.

Wasiirlka arrimaha gudaha Faraansiiska, ayaa lagu wadaa inuu Isniinta maanta ah u safro jasiiradda Mayotte, si uu u soo qiimeeyo khasaaraha.

Related posts

Siciid Deni Oo Ku Dhawaaqay In Uu Yahay Musharrax u Taagan Xilka Madaxweyne DG Puntland Ee 2024/2029.

Abdiaziz Bnnstaff

“20% Ururada Doonaya In Doorosho Lagu Galaa May Fikirin, Waxa Jira Dilaaliin Xilliga..” Muna Bile

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Turkiga Iyo Falastiin Oo Wada Galay Heshiis Dhanka Amniga Ah

Abdiaziz Bnnstaff