Borama News Network

Kumannaan qof oo dib ugu laabtay Koofurta Lubnan kaddib xabbad-joojinti Arbacadi

Kumanaan Lubnaaniyiin ah oo ay barakiciyeen dagaalladi iyo duqeymihi ay ciidamada Isra’il ka wadeen Koofurta Lubnan, ayaa Arbacadi shalay dib ugu laabtay guryahooda, kaddib marki ay dhaqan gashay xabbad-joojinti la kala dhax dhigay Isra’il iyo Xisbullah.

Iyagoo wata baabuur ay ku raran yihiin alaabahooda gaarka ah, isla markaana ka dhego adaygay digniino uga yimid ciidammada Lubnaan iyo Israa’iil oo ku baaqayay inay ka fogaadaan meelaha qaar, ayay dadkaan xalay ku hoydeen guryahooda oo ay intooda badani ay burburiyeen madaafiicda culus ee ay isu adeegsadeen dhinacyada dagaallamay.

Xabbad joojinta ayaa haddii ay sii waarto soo afjari doonta, ku dhawaad 14 bilood oo dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xisbullah.

Dagaalka ayaa billowday wixi ka danbeeyay 7-badi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Koofurta Isra’il. Xamaas ayaa maalinti ku xigtayba duqeymo ku billowday Waqooyiga Isra’il, halka Isra’il ay duqeymo iyo dagaal arrintaasi uga jawaabtay.

Hase yeeshee bartamihii bishii Sebtembar ayuu isu beddelay dagaal dhan walba ah, kaddib marki ay Isra’il weerar toos ah ku qaadday Lubnan, iyo duqeymo ay ku dishay qaar ka mid ah madaxdi sare ee Xisbullah oo uu ku jiray Xasan Nasrallah.

Inkasta oo uu heshiis xabad-joojin ah ka hirgalay Lubnan iyo Waqooyiga Isra’il, haddana waxaa wali socda dagaalka Gaza, halkaas oo ay Isra’il wali sii waddo madaafiicda ay ku garaaceyso Marinka Gaza.

Related posts

Wasiir Cabdinaasir Buuni oo hamblayeeyay shacabka Islaamka Munaasibadda Ciidal Fitri-ga

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay ciidamo la sheegay inay dhawaan ka soo gudbeen xadka Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Waxaanu aaminsanahay Xisbiyadda nala tartamaya ee Kulmiye iyo Waddani ay is hal yihiin” Xisbiga UCID

Abdiaziz Bnnstaff