Borama News Network

La haystayaal la siideyn doono iyo reer Qasa oo ku laabanaya guryahooda waqooyiga

Kooxda Xamaas ee Falastiin ayaa todobaadkan siideyn doonto lix kamid ah dadka ay ka soo qafaasheen Israa’iil, iyadoo Israa’iilna ay u ogolaan doonto dadka reer Qasa inay Isniinta maanta ah ku laabtaan guryahooda oo ku yaala waqooyiga Qasa, sida uu sheegay raysal wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

La haystayaasha la siideynayo waxaa kamid ah Arbel Yehud, taas oo udub dhexaad u ahayd khilaafka Xamaas iyo Israa’iil, isla markaana horseeday in Israa’iil ay ka caga jiido in dadka reer Qasa loo ogolaado inay gudaha u galaan waqooyiga Qasa.

Xamaas ayaa sabtidi siideysay afar ka tirsan askarta Israa’iil.

Israa’iil waxay Xamaas ku eedeysay inay jebisay heshiiskii xabad joojinta. Tani iyo markii uu dhaqan galay heshiiska labada dhinac, waxaa la siidaayay todoba la haystayaal ah oo Xamaas ay siideysay iyo in ka badan 200 oo ay Israa’iil ah.

Kumanaan qof oo barakacayaal Falastiiniyiin ah oo isku deyaya inay gaaraan waqooyiga Qasa ayaa isugu yimid kantaroolka ciidamada milatariga, kuwaas oo laba maalmood ka hor taagnaa inay gudbaan.

Wareegga saddexdaad, Xamaas waxay Jimcaha siideyn doontaa Yehud iyo laba kale, halka saddexda kalena la siideyn doono Sabtida, sida ay sheegeen dhexdhexaadiyaasha wadahadallada ee Netanyahu iyo Qadar.

Related posts

Ciidanka Israaiil oo Duqayn & Dagaal toos ah ku dilay ku dhowaad 10 kun oo Carruur tan & 7dii Oktoobar 2023.

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Soo Saaray Digniin Khatarteeda Wadata Oo Ku Waajahan Magaalada Muqdisho Iyo Muwaadiniintiisa Ku Sugan Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Xukuntay Rag Gaalo Ah Oo Hargaysa Hawlo Foolxun kawaday

Abdiaziz Bnnstaff