Borama News Network

Labo Wiil Oo Dhalinyaro Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

Shil gaari oo xalay ka dhacay duleedka galbeed ee caasimada Hargeysa ayaa waxa ku dhintay labo wiil oo dhalinyaro ah.

Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa sheegay in labada wiil ee dhalinyarada ah la kala yiraahdo Siciid Maxamed Cumar Samriye iyo Xamse Khaalid Cabdillaahi Falaago.

Labada gaari ee isku dhacay ayaa kala ahaa gaari yar oo nooca raaxada ah iyo gaari booyad ah.

Hargeysa iyo Somaliland guudahaan waxa ku badan shilalka gawaarida, kuwaas oo dhaliya khasaare naf iyo maalba leh.

Sanad kii hore oo kaliya Somaliland waxa ka dhacay 6,536 shil kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 198 qof kuna dhaawacmeen dad kale oo tiradoodu gaarayso 4,890 sida warbxinta booliska lagu sheegay.

Related posts

Jigjiga Oo Dadku Qaar Ay Is La’yihiin Koronto La’aan Owgeed Iyo Maamulka Oo Warramay Sababta

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Guurtida Somaliland Oo War Cusub Soo Saaray Xili Laga Wada Dhursugayo Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Kulmiye Xukuumadiisu Way Sii Dumaysaa ” Siyaasi Cabdiqani Gadhka

Abdiaziz Bnnstaff