Borama News Network

Lacagihii Laga Xayiray Dalka Ruushka Oo La Siinayo Dalka Dagaalku Kala Dhexeeyo Ee Ukraine

Dalalka G-7 ayaa isku raacay in lacagihii laga xayiray Ruushka loo weeciyo Ukraine si ay qayb uga noqoto taakuleynta loo sameynayo.

Lacagtan oo gaareysa $50bn ayaa loo qoondeeyay Ukraine ay qayb uga geysato dagaalka Ukraine ee ay Ruushka kula jirto kadib duullaankii uu Ruushku soo qaaday.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Ruushka xusuusinayo in marnaba aysan hoos u dhigi doonin go’aamadooda la xiriira taageerada Ukraine.

Lacagtan ayaa la filayaa in ay Ukraine u gacan gasho dabayaaqada sanadkan balse Ukraine ayaa la sheegay in ay u baahnatahay gargaar millitari oo deg deg ah si isugu filnaato inta ay lacagtan soo gaareyso.

Waxyaabaha kale ee shirka diiradda lagu saaray ayaa waxaa kamid ah xiisadda Bariga dhexe iyo xabbad joojin ka dhaqan gasha Qasa.

Shirkan dalalka G-7 ayaa weli socda iyada oo la filayo in ay qodobo dhowr ah kaoso baxaan..

Related posts

“Dagaal laguma midaysna, Madaxweynuhuna Jiida hore ee ciidanka muu gaadhin” Siyaasi Muniir

Abdiaziz Bnnstaff

Muxuu yahay dembiga loo heysto fannaanka Keynaan ee la sheegay inuu galay 10 sano kahor?

Abdiaziz Bnnstaff

DEG DEG:- Waxgaradka iyo Cuqaasha Beelaha Habar Cafaan oo habaaray Qofka ka leexda

Abdiaziz Bnnstaff