Borama News Network

Libaaxyo lagu dhex arkay Nairobi oo dadka loogu baaqay in ay ka feejignaadaan

Waaxda Duurjoogta Kenya ayaa ku boorisay dadweynaha degan aagga Lang’ata in ay feejignaadaan kaddib markii ay soo baxeen warrar sheegaya in illaa sedex libaax lagu arkay halkaas.

Khamiistii, koox ka socotay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya ayaa aaggaasi la geeyay si ay u raadiyaan libaaxyada la sheegay in lagu arkay daafaha xabsiga gabdhaha ee Langata ee caasimadda Nairobi.

Laakiin kooxda uma suurtaglin in ay soo helaan libaaxyada, kaddib muddo dheer oo ay baadi goobayeen, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo saartay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya.

Si kastaba ha noqotee, waxa la sheegay in kooxdu si dhaw isha ugu hayso xaaladda, isla markaana ay heegan sare ku jiraan.

‘’Hubinta badqabka dadweynaha waa muhiimadeena koowaad,’’ ayay intaa ku dareen.

Dadka deegaanka ayaa lagu booriyay in wixii xog ah oo ku saabsan arintaas ay soo gudbiyaan.

Maaha markii ugu horreysay ee la weriyo in libaaxyo ka baxsadeen Beerta Qaranka ee Nairobi, taasoo lagu sheego in ay tahay tan kaliya ee dunida ee magaalo dhexdeeda ku taala.

Related posts

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo War Ka Soo Saaray Arimaha Doorashiiyinka Iyo Xaalada Guud Ee Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele Oo Shaaciyay In Tirakoob Lagu Samaynayo Dadka Reer Jabuuti Iyo Faa’iidada Ku Jirta Tira Koobkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaarado dagaal oo duqeymo ku garaacay goob ay Al Shabaab kaga sugneed deegaanka Daaru nimco Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff