Borama News Network

Liibiya oo Maxkamadayneysa Kooxaha loo yaqaan ‘Magafayaasha’ & XFS oo hadashay Dhallinyarada ku xiran Dalkaas.

Xeer ilaalinta Dalka Liibiya ayaa ku howlan diyaarinta kiis dacwadeed ka dhan ah Muwaadiniin u dhashay Dalkaas oo ku eedeysan in muddo dhowr iyo toban sano ah ay ka macaashayeen tahriibayaasha marinka ka dhigtay Dalkaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika.

Kooxahaan waxaa loo haystaa in ay galeen dambiyo kala duwan sida kufsi ay u gaysteen Dumarka, Jirdil ay ku naf waayeen qaar kamid ah Tahriibayaasha & lacago madax-furasho ah oo ka qaateen ehelkooda.

Dhowaan waxaa gacanta lagu dhigay qayb kamid ah Kooxaha ‘Magafayaasha’ loo yaqaan kuwaas oo laga soo daayay qaar kamid ah Dad u xiran waqti dheer kaddib markii ay waayeen lacagihii madax-furashada ahaa ay ka dalbadeen ehelkooda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in caddaaladda la horgaynayo kooxahaan la qabtay maadaama dhibaatooyin xooggan ay u gaysteen ajaanib tahriibayaal ah oo Soomaali ay kamid tahay.

Wasiirka Dhallinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa sheegay in tallaabada lagula xisaabtamayo Dadkaas ay ku howlan tahay Xeer ilaalinta Dalka Liibiya.

Waalidiinta ayuu uga digay in ay lacago ay siiyaan kooxaha marin-haabinta wada ee Dadka u sheegaya in ay xog ka hayaan ehelkooda ku maqan Liibiya balse shaqadaas ay ku howlan tahay Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaas.

“Waalidiinta Soomaaliyeed ehelkooda uga maqan yihiin Liibiya waxa aan ugu baaqayaa in aysan bixin lacagaha ay ka dalbanayaan Dadka marin-habaabinta wada” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada & Cayaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud.

Related posts

“Amxaar Aqoonsi ku heli Maysaan Reer Awdalna Somalilanimo kama Tagayaan” Abwaan Liiro Oo Afka Furtay

Abdiaziz Bnnstaff

” Talada Suldaanka Suber Awal Way Inaga Wada Dhaxeysaa …” Siyaasi Cabdiqaadir Jirde Oo Fariin Adag U Diray Dhaqanka Beelaha Subeer Awal

Abdiaziz Bnnstaff

MURUGO: Lamaanihii u dalxiis tagay Xeebta Liido balse kuwada geeriyooday oo hal goob lagu wada aasay

Abdiaziz Bnnstaff