Borama News Network

Los Angeles oo xaalad caafimaad oo degdeg ah looga dhawaaqay

Maamulka Los Angeles ayaa xaalad caafimaad oo degdeg ah ku dhawaaqay sababo la xiriira tayada hawada oo aad u liidata, iyadoo dabka iyo qiiqa ay hareereen aaggaasi.

Waaxda Caafimaadka LA ayaa war ay soo saartay ku dhawaaqday xaaladdan, iyadoo dabka iyo dabeylaha xooggan ay sii faafayaan, kuwaasoo caafimaadka bulshada khatar geliyay, sida ay waaxdu sheegtay.

Maamulka ayaa intaa ku daray in dabka uu dadka deegaanka ka saaray guryahooda, isagoo sidoo kale khalkhal geliyay dadaalka kooxaha gargaarka.

Dadka ayaa lagula taliyay inaysan guryahooda ka bixin, daaqadaha iyo albaabbadana ay xirtaan ayna isticmaalaan mukeyf.

Related posts

Farmaajo oo siyaasiyiinta kale kula biiray soo dhaweeynta gogoshii uu ku baaqay Xasan Sheekh, talona siinayay madaxweynaha

Abdiaziz Bnnstaff

Wararkii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada madaxweynaha Mareykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Nin Loo Haystay In Uu Dhibtay Oo Hal Mar Uu Soo Istaagay Albaabka Gurigii Qoyskooda

Abdiaziz Bnnstaff