Borama News Network

Ma guuleysan karaan dadaallada lagu heshiisiinayo Soomaaliya iyo Itoobiya?

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Sabtdii ku dhawaaqay in isaga, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganada iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan xiisadda ka jirta Geeska Afrika iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Ruto ayaa hadalkaan ka sheegay shir madaxeedka 24-aad ee dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay ku yeesheen magaalada Arusha ee dalka Tanzania, mana uusan sheegin goorta iyo meesha uu ka dhacaayo kulanka.

Haddaba isku daygaan oo ah kii u dambeeyay ee xal loogu raadinayo khilaafka Soomaliya muxuu kaga duwan yahay kuwii hore u fashilmay iyo su’aalo kale ayuu Cabdulqaadir Maxamed Samakaab weydiiyay Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq oo fallanqeeya arrimaha siyaasadda Geeska Afrika, madaxna ka ah hay’adda cilmi baarita ee Brightview International.

 

Related posts

Dad Ka Badan 50 Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Nigeria Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Shilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Qarax Xoogan Oo Caawa Ka Dhacay Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdisho Iyo Dhimasho Iyo Dhaawac Badan Oo La Soo Sheegayo

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Oo Kibir Ku Tilmaamay Xadhiga Wariyeyaasha MMTV

Abdiaziz Bnnstaff