Borama News Network

Maamulka cusub ee Suuriya oo dagaal-yahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga u magacaabay xilal sare

Maamulka cusub ee Suuriya ayaa la sheegay in qaar ka mid ah dagaal-yahannada Islaamiyiinta ee ajnabiga ah ay ciidanka dalkaas uga magacaabeen xilal sare.

Ciidanka ayaa waxaa dib u qaabeyn ku sameynaya Hayat Tahrir al-Sham (HTS), kooxda Islaamiyiinta ee haatan si rasmi ah ula wareegay dalka kadib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Bashar al-Assad horraantii bishii hore.

Weli ma jirto wax xaqiijin ah oo kasoo baxday hoggaanka cusub oo tallaabadan ku aaddan, balse waxay u muuqataa mid walaac ka dhalin karta gudaha iyo dibadda Suuriya, walaacaas oo ku aaddan doorka ay dagaal-yahanno ajnabi ah ka qaadan karaan mustaqbalka dalkaas.

Waxay kusoo aadeysaa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in hoggaamiyaha cusub ee dalkaas, Ahmed al-Sharaa, uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay wakiillada Kurdiyiinta iyo Kirishtaanka dalkaas ku nool – waana labada bulsho ee walaaca ugu weyn ka qaba ajandaha maamulka cusub.

Related posts

“Beesha Habarcafaan waa dadkii keenay Calanka Xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal…”Suldaan Mahad Jaamac

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Xilalka u Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee NISA Iyo Agaasimihii Hore Ee Hay’adda

Abdiaziz Bnnstaff

“Xukumada Waxaan ugu baaqaynaa inay taageerto dadka Nabada Raadinaya”. Madax dhaqmeedka Beelaha Madaxyo Weynta oo Fariin Culus diray

Abdiaziz Bnnstaff