Borama News Network

Maamulka Degmada Awdheegle oo faah-faahin ka bixiyay dagaalka ka dhacay Degmadaas

Guddoomiyaha Degmada Awdhiigle Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, Liibaan Cabdulqaadir oo la hadlay Mustaqbal ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal saakay ‘AS’ ay ku qaadday Degmadaas.

Liibaan ayaa sheegay in dagaalka uu xoogganaa isla markaana khasaara xooggan lagu gaarsiiyay ‘AS’ waxaana uu intaas ku daray in isaga iyo mas’uuliyiin kale ay bannaanka uga baxeen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelah Hoose.

Ciidamada ammaanka ee Degmada jooga ayuu sheegay in ay difaac kala hortagaan xubnihii ‘AS’ ee duullaanka kusoo qaaday, waxa uu tilmaamay in ay kahortageen inay gudaha usoo galaan sida uu hadalka u dhigay.

“Khawaariijta ayaa weerar kusoo qaadday Degmada Awdheegle, ciidamada Geesiyaasha ah ayaa kahortagay oo khasaara xooggan gaarsiiyay, aniga waxa aan isaga baxay Magaalada oo dagaal culus ka socda” Ayuu Mustaqbal u sheegay Guddoomiyaha Awdheegle.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo Dowladda Federaalka & ‘AS’ ay ka wadaan Gobolkaas, Saraakiisha hoggaaminaya Ciidamada ayaa sheegay in ay xoojiyeen amniga goobaha ay gacanta ku hayaan.

Related posts

Midawga Africa Oo Ku Sigtay In laga Xado Lacag Dhan 6 Milyan Oo Dolar Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Meela aan la tagi jirin oo mamnuuc ahayd ayaa maanta imtixaanka looga fadhiyaa” Raysal Wasaare Xamse

Abdiaziz Bnnstaff

Wafti Sare Oo Ka Socda Dowlada Itoobiya Oo Gaadhay Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedada Socdaalka Waftigaasi

Abdiaziz Bnnstaff