Borama News Network

Maamulka Puntland Oo War Ka Soo Saaray Dadka Ajaanibka Ah Ee Laga Raafayo Deegaanadeeda

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa waxaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Ajanabiga sharci darrada ku jooga deegaannada maamulkaasi.

Wasaaradda ayaa shacabka ugu baaqday in ay ka fogaadaan dhibaateynta dadka Ajanabiga ah, isla markaasna ay uga dambeeyaan Laamaha Amniga.

Waxaa kale oo lagu sheegay in ay muhiim tahay in dadka sharci-darrada ku jooga laga kala saaro kuwa sharciyeysan, isla markaana la xaqiijiyo in sharciga la raaco.

“Annaga oo ka duulayna sharciga iyo xuquuqda aadanaha waxaan dadweynaha reer Puntland ugu baaqaynaa in ay mar walba si dhaw ula shaqeeyaan hay’adaha Puntland ee ku hawllan dhawridda nabad-gelyada bulshada iyo ku dhaqanka sharciga iyagoo ka waantoobaya wax walba oo xad-gudub ah ama sharciga baal-marsan in ay kula kacaan dadka aan muwaadiniinta ahayn ee Puntland ku nool” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa tilmaamtay in ciidamada Amniga Puntland sii wadi doonaan howlgallada ay ku xaqiijinayaan Amniga guud iyo ka hortagista dadka sharci darrada ku jooga deegaannada maamulkaasi.

Related posts

Maxaa Laga Ogyahay Shanta Qof Ee Madaxwayne Muuse Biixi Ku Wehelinya Wadahadalada Somaliya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Beesha Dhexe Markay Cawdaan Buur Bay Fuulaan, Reer Boramana Awdal State Ayay Fuulaan..” Urrurka Waaberi

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Soo Jeediyey Saddex Qodob Oo Xal u Noqon Kara khilaafka Cusub Ee Doorashada.

Abdiaziz Bnnstaff