Borama News Network

Maamulka Suuriya Oo Ciidamo u Diray Deegaanno Ay Ka Jiraan Isku Dhacyo Dhimasho Badan Keenay

Maamulka Suuriya ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in ciidamo loo dirayo magaalada Sahnaya, oo u dhow Dimishiq, si loo sugo”amniga”.

Wakaalada wararka ee Syrian Arab News Agency (SANA) ayaa ku warantay in heshiis horudhac ah laga gaaray xaaladda deegaannada Jaramana iyo Ashrafieh Sahnaya ee baadiyaha Dimishiq.

Maamulka ayaa ballan qaaday inay “ilaalin doonaan” dhammaan bulshooyinka, oo ay ku jiraan Druze, ka dib isku dhacyo diimeed ay ku dhinteen ku dhawaad ​​40 qof labadii maalmood ee la soo dhaafay, taasoo soo dedejisay duqeymaha Israa’iil.

Labo qof ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Israa’iil ka geysteen deegaanka Sahnaya ee u dhow Dimishiq, intii ay socdeen iska horimaadyo u dhaxeeyay maleeshiyaad taabacsan dowladda iyo Druze oo ka dhacay magaalada Sahnaya.

Related posts

Netanyahu oo Kamala Harris ku mucaaraday go’aankii ay ugu sheegtay in uu joojiyo Dagaalka Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa laga ogyahay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff

Safarka Axmed Madoobe ee Nairobi ma abuuri karaa khilaaf ka dhex dhasha Soomaaliya Iyo Kenya?

Abdiaziz Bnnstaff