Raysal wasaaraha Britain, Keir Starmer, ayaa shaaca ka qaaday qorshe afar qodob ka kooban,kaas oo lagu nabadeynayo Ukraine.
Waxaa uu sheegay in Yurub ay qaadi doonto culeys weyn, balse ay u baahan tahay taageerada Mareykanka.
Hadalkan ayuu jeediyay kadib shir madaxeedkii ka dhacay magaalada London ee madaxda Yurub ay isku raaceen, in sare loo qaado kaalmada milatari ee Kiev.
Madaxda Yurub waxay isku raaceen dhowr qodob oo ay kamid tahay in la sii wado taageerada Ukraine iyo in heshiis kasta oo la gaaro uu noqon doono mid ku saleysan qarranimada iyo madax banaanida Ukraine.
Raysal wasaaraha Britain waxaa uu sheegay in hogaamiyeyaasha Yurub ay isku raaceen la kordhiyo kaalmada milatari ee Kiev si ay uga wada xaajoodaan meelaha ay awoodda ugu baahantahay Ukraine.
“Marka hore, waxaan sii wadi doonaa gargaarka milatari, waxaaana sii kordhin doonaa cadaadiska dhaqaale ee Ruushka si imika loo xoojiyo Ukraine . Marka labaad, waxaan ku heshiinay in nabad kasta oo waarta ay tahay in la xaqiijiyo madax-bannaanida iyo amniga Ukraine waana in arrintaas ay miiska saarnaato. Saddexaad, haddii uu dhaco heshiis nabadeed, waxaan sii wadi doonaa xoojinta awoodda difaaca ee Ukraine si loo joojiyo weerar kasta oo mustaqbalka ku iman kara. Marka afraad, waxaan sii wadi doonnaa in aan horumarino heshiisyada Ukraine si aan u horumarino heshiisyada lagu difaacayo ukraine mustaqbalkana dammaanad qaadka nabadeed loo helo”, ayuu yiri Keir Starmer, xili uu warbaahinta u akhrinayay qodobada lagu heshiiyay.