Borama News Network

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Casuumay Dhigiisa Dalka Kenya Iyo Ujeedada Casuumadaasi

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu Aqalka Cad ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Kenya William Ruto bisha May ee soo socota.

Booqashadan ayaa ku soo aadeysa ka dib markii Biden uu ka noqday sanadkii la soo dhaafay, ballan qaad uu ku tagi lahaa Africa.

Xoghayaha warfaanita ee Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa ku dhawaaqday booqashada uu Ruto ku imaanayo Mareykanka 23-ka bisha May ee soo socta.

Waxay sheegtay in ujeeda booqashada ay tahay sii xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinaca amaanka iyo nabadda, balaarinta xiirka dhaqaale ee labada wadan iyo difaaca mabaa’diida dimuquraadiyadda.

Warka ku saabsan booqashada Ruto ayaa soo shaac baxday, ka dib markii dalka Hiati uu ku dhawaaqay todobaadkan inay ka shaqeyneyso heshiis rasmi ah oo ay la gasho Kenya si loo xaqiijiyo in dalkaasi ay tagaan ciidamada Booliska Kenya ee mudada dheer laga sugayay.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweyne Ruto sidoo kale lagu maamuusi doono casha Sharaf loogu sameyn doono Aqalka Cad.

Related posts

Ingiriiska oo cunaqabatayn kusoo rogay Afhayeenka Baarlamaanka Uganda & Xildhibaanno Musuq ay wada sameeyeen

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Oo Ka Digay Halis Kusoo Wajahan Yurub Maxayse Tahay Halistaasi

Abdiaziz Bnnstaff

kumanaan qof oo ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan

Abdiaziz Bnnstaff