Borama News Network

Madaxwaynaha Turkiga oo ku hanjabay Tallaabo deg deg ah Hadii Suuriya Lagakala Jaro

Madaxweynaha Turkiga , Recep Tayyip Erdogan wuxuu ku hanjabay inuu Turkiga qaadi doono tallaabo deg deg ah oo militari haddii la isku dayo in la kala qeybiyo Suuriya , gaar ahaan meelaha ay maamullan kooxda kurdida ee ciidanka dimuqraadiga Suuriya ee SDF, isagoo markaa carabka ku adkeeyay inuu Turkiga awood u leeyahay inuu si dhab ah u qaado tallaabooyin ka hor tag ah , iyadoo markaa ujeddadu tahay in laga hortago iskudayga argagixisada ee soohdinta koonfureed ee Turkiga.

Erdogan Wuxuu ku celiayay aragtida Turkiga ee ah in kooxda YPG oo ah koox ka tirsan SDF, ay yihiin urur argagixiso oo xiriir la leh xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK, oo weerarro ka geysta gudaha Turkiga .

Hadalka Erdogan wuxuu yimid kaddib markii shalay uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda , Hakan Fidan in waddamada galbeedka ay isku dayayaan inay kooxaha argagixisada u adeegsadaan khalkhal-gelinta amniga Turkiga.

  1. Ankara waxay si adag u diiddan tahay inay is maamul noqdaan kurdiyiinta Suuriya ee ku sugan meel aan ka fogeyn xadka Turkiga , waxaana Turkiga iyo dawladda Suuriya ee cusub ay ka soo horjeedaan is maamul kasta oo gudaha Suuriya , ujeeddaduna waa in guud ahaan Suuriya looga arrimiyo Dimishiq , halka ciidanka militariga Suuriyana la geynayo soohdin kasta oo ay ku jirto xadka Turkiga

Related posts

Netanyahu oo xannuunsanaya Iyo culayska Xukuumaddiisa saaran oo sii kordhay

Xildhibaan Beerey ” Qaraxyada Rasmiga ah Waxaa keena Ganacsatada Waa In Talaabo Sharci Laga Qaado..”

Abdiaziz Bnnstaff

“Beesha Habarcafaan waa dadkii keenay Calanka Xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal…”Suldaan Mahad Jaamac

Abdiaziz Bnnstaff