Borama News Network

Madaxwaynayaasha Dalalka Somaliya Iyo Turkiga Oo Khadka Telefanka Ku Wada Hadlay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Xiriir Telefoon oo dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud & Dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa ay diiradda ku saareen xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada Dal.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Erdogan ayaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaagga madaxbannaanida, Gobnimada & Midnimada Dalka iyo Dadka.

Erdogan ayaa taageero xooggan u muujiyay howlgallada ka dhanka ah ee ‘AS’ ee sida wadajirka ah u fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan.

Ankara ayaa tilmaamtay in ay garab taagan tahay dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed, Amniga & kan Dhaqaale ee Xukuumadda Muqdisho tiigsaneyso si ay uga gungaarto yoolkeeda Mustaqbalka dhow iyo kan fog sida hadalka loo dhigay.

Turkiga ayaa Soomaaliya waxa uu soo galay sanadkii 2011 xiligaan oo Dalka ay ka jirtay xaalado adag oo dhanka Bani aadamnimada waxaana sanadba sanadka ka dambeeyay sii xooggeystay cilaaqaadka oo meelo kala duwan kusii faafay.

Related posts

Wajigii Sadexaad Ee Wadahadala Somaliya Iyo Itoobiya Ee Loogu Balansanaa Dalka Turkiga Oo Baaqday

Abdiaziz Bnnstaff

Nin Sadex Qof Ku Toogtay Gudaha Dalka Maraykanka Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Hal milyan oo dollar oo lagu wareejiyay shirkadd dhisaysa qeyb kamida dhismaha suuqa Waaheen.

Abdiaziz Bnnstaff