Borama News Network

Madaxwayne Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaannada DG Jubbaland ku metala Baarlamaanka Baarlamaanka Somaliya

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmay Xildhibaannada labada aqal ee Dowlad-Goboleedkaas ku metala Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo kulan wadatashi ah isugu yeeray Xildhibaannada & Senatarrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku metala Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in kulankaan uu yahay mid wadatashi ah.

Qaar kamid ah Xildhibaannada oo aqbalay soo jeedinta Axmed Madoobe ayaa tagay Magaalada Kismaayo inkasta oo ay jiraan Xubno kale oo ilaa haatan aanay gaarin xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland, lama oga in ay dib ka tagayaan iyo in guud ahaan diidan yihiin.
Axmed Madoobe ayaa horraantii bishii 7dii Oktoobar isaga baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka kaddib markii labo daraf ay kala istaageen isaga & xubnaha qaar ee Golahaas oo ay isku qabteen daadejinta Doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweyne Axmed ayaa billaabay in uu kulamo gaar gaar ah la qaatay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ku metala Dowladda Federaalka, todobaadkii tagay waxa uu qaabilay wafdi ka yimid Nairobi si ay u dhax dhexaadiyaan Madaxweynaha DG Jubbaland & Dowladda Federaalka.

Related posts

Israa’iil oo wali duqaymo ku wadda Lubnaan iyo Iran oo aargoosi wacad ku martay

Abdiaziz Bnnstaff

Kamala Harris oo durba hore ka bilawday eedaynta Trump xilli ololaheedii bilaw yahay

Abdiaziz Bnnstaff

Dadka u Dhimanaya Macluusha Ka Jirta Gaza Oo Laga Cabsi Qabo In Ay Sii Kordhaan!

Abdiaziz Bnnstaff