Borama News Network

Madaxwayne Erdogan: Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadaha Bariga Dhexe

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Talaadadii sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil oo keliya ay masuul ka yihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.

Waxa uu sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada, “Israa’iil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaad gobolka, weerarkeeda safaaradda Iran ee Dimishiqna waxa uu ahaa dhacadaii ugu dambeysa” ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in isku dhacyo cusub oo gobolka ay suurtagal tahay ilaa iyo inta “arxandarrada iyo xasuuqa” ay ka socdaan Gaza, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan si caqli-gal ah.

Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay reer galbeedka inay cambaareynayaan weerarka Iran oo aysan cambaareyn weerarkii Israa’iil ay ku qaaday safaaradda Iran.

 

Reuters.

Related posts

“Guddida Wanaag Faristu Ma Shalay Bay Dhalatay Markay Ugbaad Aragsan Heestay” Xisbiga Waddani

Abdiaziz Bnnstaff

Wasaarada Cadaalada Gobolka Awdal Oo Maanta Si Wayn Uga Dhex Muuqatay Munaasibada Xuska 18 May

Abdiaziz Bnnstaff

Hanti Iyo Dhul Ay Cunaan Ayey Doonayaan Xildhibanada Maayir Mooge Raba Inay Xilka Ka Qaadaan…” Suldaanka Guud Ee Beesha Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff