Borama News Network

Madaxwayne Joe Biden Oo Saxeexay Go’aamo Cusub Oo Ka Dhan Ah Tahriibayaasha Ay Somalidu Ku Jirto

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar madaxwayne oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico.

Waxay arrintani ku soo beegmeysaa xilli dalka Mareykanka dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo doorashada madaxwaynanimada.

Amarkan ayaa ka hor-joogsanaya dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda koonfureed inay dalbadaan magangelyo.

Madaxwayne Biden ayaa farta ku fiiqay in tallaabooyiinkani ay socon doonaan illaa tirada sida sharci-darrada ah uga soo gudbaysa xuduudaha Maraykanku ay gaarto heer aad u hooseeya oo si sahlan loo maamuli karo.

Maraykanku waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday tallaabooyiin cusub oo looga gol leeyahay in lagu dardargeliyo kiisaska magangalya doonka iyo in la yareeyo cadaadiska saaran maxkamadaha socdaalka ee Maraykanka.

Mr Biden ayaa amarkan madaxwayne ku dhawaaqay xilli uu kulan la qaadanayay barasaabyada magaalooyinka xuduuda ku yaalla. Wuxuu yiri “tallaabadani waxay naga caawin doontaa inaan gacanta ku dhigno xaaladda xuduudeena”.

Qaar ka mid ah dadka u ololeeya socdaalka ayaa durba dhaleeceeyay tallaabooyiinka cusub ee ku saabsan magangalya doonka.

“Waa nasiib darro in siyaasaddu ay hagto marka laga hadlayo arrimaha socdaalka ,” ayuu yiri Jennie Murray, madaxweynaha iyo Madasha Socdaalka Qaranka.

Khudbadiisa, madaxweyne Biden wuxuu ku dhaleeceeyay Jamhuuriga inaysan ansixin dib-u-habaynta socdaalka laba-geesoodka ah horaantii sanadkan – wuxuuna ka codsaday dadka dhaleeceynaya tallaabadan cusub inay “samir yeeshaan”.

In ka badan 6.4 milyan oo muhaajiriin ah ayaa la joojiyay in ay si sharci darro ah ugu gudbaan Mareykanka intii uu jiray maamulkii Joe Biden.

Maalaayiintan qof ee ka gudbaya xadka Mexico waxaa ka mid ah Soomaali badan oo qaarkood galay gudaha Mareykanka qaar kalana ay weli ku sugan yihiin xadka ama gudaha laatiin America.

Imaanshaha soogalootiga ayaa hoos u dhacay sanadkan, inkastoo khubaradu aaminsan yihiin in isbeddelku aanu u badnayn inuu sii socdo.

Qaar ka mid ah dadka u ololeeya arrintan iyo xildhibaano ka soo jeeda xisbiga dimuqraadi ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku dhaleeceeyeen go’aanka Mr Biden.

Pramila Jayapal, ayaa sheegtay in ay “aad uga niyad jabtay” amarkan oo ay ugu yeertay “tallaabo jihada qaldan loo qaaday”.

Tallaabooyinka lagu dhawaaqay Talaadadii waxaa ka mid ah adeegsiga sharci 1952 u ogolaanaya in la xaddido soo gelitaanka dadka magangalya doonka ah ee Mareykanka imaanaya.

Sharciga, oo loo yaqaan 212 (f), ayaa u oggolaanaya madaxweynaha Mareykanka inuu “hakin karo soo gelitaanka” ajaanibta haddii imaanshahooda ay “wax u dhimeyso danaha” dalka.

Isla xeerkan ayaa maamulka Trump u adeegsaday in uu mamnuuco dadka ka soo galaya dalal u badnaa oo Muslimiin iyo in laga mamnuuco muhaajiriinta magangelyo doonka ah haddii la qabto in ay si sharci darro ah ugu gudbaan Mareykanka.

Xayiraadaha ayaa dhaqan galaysa marka celceliska todobada maalmood ddaka soo galaya ay gaaraan 2,500, waxa sidaasi Warbaahinta u sheegay saraakiisha Mareykanka .

Qiyaastii 1,500 magangalyo-doon ah ayaa mara habka magangalya doonka rasmiga ah maalin kasta, ka dib marka ay samaystaan ​​balamo iyagoo isticmaalaya abka Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha (CBP) ee loo yaqaan CBP One.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegaya in isbedelada ay u badan tahay in ay la kulmaan caqabado dhanka sharciga ah oo ay kala kulmaan dadka u dooda socdaalka ama gobolada uu hogaamiyaan jamhuurigu.

Maamulka madaxwayne Biden ayaa qorsheynaya inuu ka difaaco siyaasadahan cusub maxkamada dalkaasi.

Dhanka kale, xisbiga Jamhuuriga, ayaa dhaleeceeyay qorshaha xuduudaha ee Biden oo ay ku tilmaameen khiyaano la dhigay sannad doorasho.

Waxay ku doodayaan in sharciyada looga soogalootiga ay horay-ba u jireen laakiin aanu si sax ah u fulin madaxweynaha Dimuqraadiga ah.

Related posts

21 Qof Oo Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Duqayn La Sheegay In Ay Ka Dhacday Shabeelaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaal Toos Ah Ha Lala Galo Somalia, Difaaca Qaranka Somaliland Diyaar Ayaanu U Nahay… Siyaasi Obsiiye

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhaan Jesow” Wasiir kasta Hay’ad gaar ayuu iska sameysanayaa si uu u qorto Wiilal qaraabadiisa Ah….

Abdiaziz Bnnstaff