Borama News Network

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiis Ku Xidhan Xabsiyada Somaliland

CAFIS-MADAXWEYNE: 08/01/2024.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-1144/012024, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee Xabsiyada Dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 376 (Saddex Boqol, Lix iyo Todobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka-dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Related posts

“Beesha Dhexe Markay Cawdaan Buur Bay Fuulaan, Reer Boramana Awdal State Ayay Fuulaan..” Urrurka Waaberi

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Siyaasadeedka Horseed Ayaa Soo Dhaweeyay Xeerkii Isi Saarka Doorashooyinka Ee Golaha Guurtidu Ansixiyeen

Abdiaziz Bnnstaff

Doorashadii Dalka Faransiiska Oo Awood Xoogan La Isku Muquuniyay

Abdiaziz Bnnstaff