Borama News Network

Madaxwayne Ruto Oo Ku Dhawaaqay Kharash-Dhimis Kaddib Dibadbaxyadi Uu Dhiigga Ku Daatay

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Jimcihii soo jeediyay kharash dhimis iyo deyn dheeraad ah, si xukuumaddiisa ay u kabto dal-daloolka miisaaaniyeed ee ay wajaheyso, kaddib marki ay dowladda ka laabatay 2.7 bilyan oo dollar oo ay canshuur ahaan ugu krodhi rabtay shacabka.

Ka laabashada qorshaha canshuur kordhinta qaranka ayaa yimid kaddib todobaadyo dibadbaxyo rabshado watay oo ay hogaamiyeen dhalinyarada Kenya, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 39 qof, tiro kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Khudbad uu ka jeediyay telafishanka ayuu Rutoku sheegay in uu weydiisan doono baaralammaanka kharash dhimsi dhan 177 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta ($1.39 bilyan) miisaaniyad sannadeedkan oo billaabmaya bishan July. Wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay kordhin doonto lacagaha amaahda, isla markaana ay soo deynsan doonaan 169 bilyan oo shilin.

Bannaanbaxyadi Kenya ka dhacay labadi todobaad ee lasoo dhaafay ayaa ahaa kuwi ugu khasaaraha badnaa tan iyo marki uu madaxweyne Ruto talada waddanka la wareegay ku dhawaad muddo laba sano ah.

Related posts

Caqabad Wayn Oo Soo Foodsaartay Shirkii Urur Goboleedka IGAD Iyo Dowlada Qaadacday Ka Soo Qaybgalka Shirkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Waa in shuruud la’aan ay Xukuumadu u sii deysaa Xildhibaan Maxamed Abiib” Musharax Cabdiraxmaan Cirro

Abdiaziz Bnnstaff

Cajiib! Hal Muus Ah Oo Lagu Kala Iibsanaho Lacag Dhan 6 Milyan Oo Dolar Iyo Sababta

Abdiaziz Bnnstaff