Borama News Network

Madaxwayne Trump Oo Ugu Dambayn Loo Oggolaaday Inuu Soo-Galootiga u Adeegsado Sharci Adag

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa oggolaatay in Madaxweyne Donald Trump uu isticmaali karo sharci si aan caadi ahayn oo si degdeg ah loogu masaafurinayo shakhsiyaadka ku lugta leh shabakadaha budhcadda.

Hadda ka hor, maxkamadda hoose ayaa si ku meelgaadh ah u hakisay masaafurinta shaqsiyaadka lagu eedeeyay in ay yihiin xubno ka mid ah budhcadda reer Venezuela ee loo masaafurin lahaa El Salvador badhtamiha bishii la soo dhaafay, iyadoo xukuntay in ficillada ku salaysan Sharciga Ajaanibta ee 1798 ay u baahan yihiin in dib-u-eegis lagu sameeyo.

Trump ayaa hore ugu eedeeyay in muhaajiriintaasi ay ku jireen xubno ka tirsan kooxda Tren de Aragua oo “dagaal aan joogto ahayn” ku haya Maraykanka, sidaas darteedna la tarxiili karo iyadoo la adeegsanayo sharcigan. Inkastoo maamulka uu sheeganayo in xukunka uu guul yahay, garsoorayaashu waxay waajib ka dhigeen in dadka la masaafurinayo la siiyo fursad sharci ah oo ay isku difaacaan.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Ciyaartoyda Gobolka Banaadir Kula Dardaarmay In Ay Difaacdaan Koobka Dowlad-Goboleedyada Iyo Banaadir.

Abdiaziz Bnnstaff

Maamulka Jubaland Oo Beenisay Eedeyn Ka Timid Dowladda Federaalka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo:- Waraysi Xasaasiya Oo Laga Qaaday Proff Cabdi Ismacil Samatar Iyo Arimo Waawayn Oo Uu Ka Dhawaajiyay

Abdiaziz Bnnstaff