Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Booqasho Ku Tegay Safaarada Imaaraadka Carabta Ee Muqdisho Iyo Sababta Booqashadaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Qoraal kooban oo ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay loogu baran booqashada Safaaradaha dalalka caalamka ay ku leeyihiin Soomaaliya, iyada oo booqashadaan la shaaciyay ay noqonaysa tii ugu horreysay uu madaxweynaha uu ku tago Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho tan iyo dib u doorashadiisii May 15, 2022-ka.

Fiidnimadii Sabtida xerada tababarka ee Jeneraal Goordan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay weerar uu fuliyey askari ka tirsan askar tababar loogu soo xiray xerada, waxaana ku dhintay macalimiintii tababarka bixinaysay oo u dhalatay dalka Imaaraadka iyo askar kale oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay Isbitaalka Digfeer oo la geeyay dhaawacyada saraakiisha ayaa sheegay in si degdeg ah dowladda wax ugu qabanayso falka ka dhacay xerada tababarka ee Jeneraal Goordan.

Related posts

Maraykanka Oo Soo Saaray Digniin Khatarteeda Wadata Oo Ku Waajahan Magaalada Muqdisho Iyo Muwaadiniintiisa Ku Sugan Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Waa Sidee Xaalada Qubuuraha Iskuul Boolisiya Ee Magaalasa Miqdisho Muxuuse Yahay Shardiga Cusub Ee Lagu Soo Rogay Dadka

Abdiaziz Bnnstaff

Kenya oo sheegtay inay 600 Askari Soomaali kasoo baxsaday dagaalkii Raaskambooni.

Abdiaziz Bnnstaff