Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh oo rajo ka muujiyay in guud ahaan Dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in laga gudbi doonno siyaasadda kala geysay Koofurta iyo Waqooyiga, qorshaha looga gudbi karo ayuu ku sifeeyay in uu yahay wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka gungaarista wadahadallada si loo gaaro meelo ka dhow meesha uu taagan yahay Maamulka Somaliland.

Waxa uu bogaadiyay Doorashadii dhowaan ka dhacday Deegaannada Maamulka Somaliland, waxaana uu ku tilmaamay in ay tahay arrin ku dayasho mudan oo Dalka oo dhan ka dhici karta sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Rajo ayuu ka muujiyay in guud ahaan Dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah isla markaana laga gudbo tan dadban oo muddo dhowr iyo labaatan sano lagu soo dooranayay hay’adaha iyo madaxd kala duwan ee Dowladda.

Related posts

” Somaliya Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya Wax Ay Ka Badali Kartaa Ma Jirto…” Xuseen Aadan Dayr.

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Booqday Suuqyada Magaalada Burco Iyo Waxayaabaha Uu Kala Soo Kulmay

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Iiraan Ay Daldashay Ugu Yaraan 901 Qof Sanadkii 2024

Abdiaziz Bnnstaff