Borama News Network

Madaxweyinii Talada Laga Riday Ee Gabon Iyo Labo Wiil Oo Dhalay Oo Cunto Ka Sumoobay

Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Gabon Cali Bongo iyo labdiisa wiil ayaa cuntada ka soomay, iyagoo ka ashtakoonaya ‘’jirdil iyo tacdi kale’’, sida laga soo xigtay qareenada qoyska.

Bongo ayaa xukunka looga qaaday afgambi milatari bishii August ee sanad kii la soo dhaafay, wax yar uun kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee lagu murmay.

Cali Bongo iyo labadiisa wiil ee Jaliil iyo Bilaal ayaa markaa dabadeed la dhigay xabsi guri caasimadda Libreville.

Milatariga xukunka haya ayaa sidoo kale jeelka dhigay xaaskiisa Sylvia Bongo iyo wiilkiisa curadka ah Nuuradiin, iyagoo ku eedeysan musuq maasuq, waana maxkamad sugayaal.

Qoraal ay soo saareen qareennada qoyska ayaa lagu sheegay in Sylvia iyo Nuuradiin la garaacay intii ay xirnaayeen.

Waxay kaloo sheegeen in Nuuradiin si xun loo jirdilay oo marrarka qaar koronto lagu dhajiyay.

Madaxweynaha la afgambiyay, oo 64 jir ah ayaa soo xukumayay dalka saliida qaniga ku ah tan iyo 2009-kii, markaas oo uu badalay aabihii oo xukunka hayay muddo 40 sano ah.

Qareenada qoyska ayaa sheegaya in ay dacwad cabasho ah u gudbiyeen maxkamadda Paris, todobaad kahor booqashada hoggaamiyaha kooxda miltariga Gabon janaraal Oligui Nguema uu ku tagayo Faransiiska.

Related posts

Maxaad Keenay In Xisbiyadu Olole Bilaanaan Iyada Oon La Gaadhin Xiligii Ololaha Loo Qorsheeyay

Abdiaziz Bnnstaff

Puntland Raali Kama Noqon Doonto Wax Kasta Oo Kasoo Baxa Kulan Xasan Sheekh Iyo Muuse Biixi”Madaxwayne Deni”

Abdiaziz Bnnstaff

Wasaarada Maaliyada Somaliland Oo Golaha Wakiilada Horgaysay Miisaniyada 2024

Abdiaziz Bnnstaff